Share the post "Ciidamada Hubeysan & Gadiidkooda Oo laga Mamnuucay Garoonka Diyaaradaha Mogadishu.."
Dowlada Federaalka ayaa soo saartay amaro cusub oo lagu xakameynaayo in Hub iyo Gaadiid dagaal gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu la galo, kadib Digniinihii Amni ee laga soo saaray iney dhici karaan Weeraro ay geystaan Kooxda Argagixisada Shababka..
Amaradaan adag ayaa soo shaac baxay kadib markii Mareykanka ay soo saareen digniino amni oo weeraro lagu bartilmaameedsan karo xarumaha Muhiimka ah ee Dowlada ayna ku jiraan Garoonka Diyaaradaha & Dekeda Mogadishu, iyadoo Sarkaal u hadlay Dowlada uu sheegay in Amaradaan lagu adkeynaayo Amaanka si looga hortago khatar kasta oo ku wajahan Garoonka Diyaaradaha, Dekada iyo dhaqdhaqaaqyada Howlaha diblomaadiyadeed ee xarunta Xalane.
Talaabooyinka cusub ayaa la sheegay iney qeyb ka yihiin qorshayaal balaaran lagu hirgelinaayo si looga hortago Hanjabaadaha amni ee soo kordhay, iyadoo Xoogaga Amaanka ee xeyndaabyada Garoonka Diyaaradaha iyo Dekeda ayaa xoojiyay kormeerka iyo ilaalinta joogtada ah ee xarumaha muhiimka ah ee Caasimada, Ciidamada Dowlada ayaa heegan sare la geliyay si looga hortago weerarada kooxda argagixisada Shababka.
Xuuraano loo qaateen ah ayaa daaha ka roogaya in Kooxda Argagixisada ay qorsheysay iney adeegsato Gadiidka Ciidamada ee ay qabsadeen iyo Direyska Ciidamada, waxeyna qorsheeyeen in ka hor 17-ka Bisha Ramadan ay fuliyaan weerarada, iyadoo ugunyo ka tirsan kooxda Argagixisada la doo geliyay magaalada Mogadishu.