Ganacsatada Ceyr Oo Kulan La Qaatay Rooble & Qorqor

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Kulan qarsoodi Oo dhowaan ka dhacay Magaalada Dhuusa mareeb, iyadoo la sheegay in Rooble & Qorqor (Siyaasiyiinta Bah-Qumis), ay la yeesheen Tiro Ganacsato ka soo jeeda Beesha Ceyr kuwaasoo lagala hadlay Arrimaha Doorashada, Xiisada Suufiyada iyo Qodobo kale..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Kulankaan qarsoodiga ay ka soo qeyb galeen Ganacsatada Maxamed Deelaaf, Xuseen Goleey iyo xubno kale waxeyna diyaarad u kireysteen Magaalada Dhuusa mareeb, kadib markii ay u yeereen Qorqor iyo Rooble, iyadoo Kulanka looga dooday 3-Xildhibaan ee Beesha ku leedahay Saamiga HG, Colaada Kooxda Ahlu sunnah iyo maalgelinta weeraro la filaayo in lagu qaado degaanada ay ku sugan yihiin Xoogaga Suufiyada.

Wararka ayaa sheegay in Kulankaasi uu ku soo dhamaaday Fashil kadib markii Ganacsatadaan loo sheegay ineysan awood u laheyn iney qodobada Doorashada kala hadlaan, waxeyna kula taliyeen Ganacsatadaan iney Farmaajo iyo Fahad la xiriiraan, “ Aniga (Rooble) iyo Qorqor waxba kama qaban karno inaan siino Kursi yaala Galmudug ilaa aan amar ka helno Farmaajo iyo Fahad” ayaa lagu yiri Ergada Ceyr, waxaana la weydistay iney dhaqaale iyo Dhalinyaro keenaan si dagaalada uga qeyb qaataan.

152490cookie-checkGanacsatada Ceyr Oo Kulan La Qaatay Rooble & Qorqor