Share the post "Ciidamada Sudan oo Dib u Qabsaday Gacanta ku heybta Xarunta Madaxtooyada iyo Bartamaha Khartoum.."
Wararka naga soo gaaraya Dalka Sudan ayaa sheegaya in Ciidamada Sudan ayaa aroortii hore ee Saakay oo Jimca ah iney la wareegaan Xarunta Madaxtooyada iyo Bartamaha magaalada Khartoum kadib dagaalo maalmo socday oo ay la galeen kooxda falaagada ee Rapid Support Forces (RSF) ay UAE Maalgeliso..
Muddo todobaadyo ah ayaa Madaxtooyada iyo Bartamaha magaalada Khartoum goob dagaal aheyd oo ay ku hardamaan Ciidamada Sudan iyo kooxda RSF-ta, Iska horimaadyada ayaa sii xoogeystay 16-kii bishii March markii ciidamo gaashaaman ay gaareen Taliska Guud ee Xarunts Militariga kuwaasoo la wareegay aagaga ku dhow Madaxtooyada, Talaabadani waxay soo af jareysaa saameyntii kooxda Falaagada RSF oo Wadooyinkii saadka laga jaray isla markaasna go’doon la geliyay Maleeshiyaadkii RSF ee qaybaha Konfurta iyo Bariga ee Caasimada ku sugnaa.
Afhayeenka Ciidanka Sareeye Guuto Nabil Abdallah ayaa war qoraal ah oo uu soo gaarsiiyay Warbaahinta ku yiri: “Guul taariikhi ah oo geesinimo leh ayeey Ciidamadeenu gaareen, iyagoo maanta soo gebagebeeyeen guulihii ay ka gaareen Khartuum, Waxey burburiyeen haraagii Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Daglo ee bartamaha Khartuum, suuqa Carabta, Dhismayaasha Madaxtooyada, talabadani waxey astaan u tahay adkeynta Wadajirka iyo madaxbanaanida iyo Sharafta Qaranka Sudan.”