Duulimaadkii Ethiopian Airlines ee Hargeysa-Addis abeba oo loo Weeciyay Djibouti..

Africa News Somalia news

Degdeg:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Duulimaadkii Diyaarada Ethiopian Airlines ee Flight Lam. ET375-Nooceeduna ahaa Boing 737-760 kana duushay Garoonka Diyaaradaha Hargeisa kuna wajahnayd Garoonka Bole Airport ee Addis Ababa ayaa laga weeciyay khadkii ay ku duuleysay ee geynayay Addis Ababa, waxayna ka dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Djibouti..

Maamulka Addis abeba ayaa Kooxda Gooni goosadka Waqooyiga Somalia ku amraya in ay isku dayaan iney khalkhal iyo jahwareer ku abuuraan hawada Somalia, markii ay ku fashilmeen ayeey ku wargeliyeen iney ugu yaraan ka faafiyaan warar been abuur ah.

Lama yaqaano sababta loogu weeciyay garoonka Diyaaradaha Djibouti, balse waxaa loo badinayaa in Xiisada Somalia & Ethiopia ay saameyn ku yeelan karto la soco wixii ku soo kordha.

310700cookie-checkDuulimaadkii Ethiopian Airlines ee Hargeysa-Addis abeba oo loo Weeciyay Djibouti..