Ciidamada Kenya Oo Bartilmaameed Ka Dhigtay Masaajidyada..

Politics

Kadib markii ay aad u kordheen Weerarada iyo Howlgalada Kooxda argagixisada ee Shabaabka, ayeey Ciidamada Amaanka Kenya bedeleen Istratejiyada la dagaalanka kooxdaasi…

Xogo amaan ayaa tilmaamaya in Saraakiisha Sirdoonka iyo kuwa Ciidamada Kenya ay durbadiiba bilaabeen qorshe cusub oo lagu beegsanaayo goobo iyo xarumo Gaar ah, sida Dugsiyada Quraanka, Masaajidyada iyo xarumaha Islaamka.

Maamulka Uhuuru ayaa ku fasiray Qaabkaan cusub iney tahay xeelad cusub oo ay ugu talo galeen iney qaab feker ah ula dagaalamaan kooxda gacan saarka la leh Al-qaa’ida, baraha ay bartilmaameedsadaan ayeey ku fasireen iney ku tuhmayaan in Dhalinyarada laga qoro.

Talaabadii ugu horeysay ayaa la sheegay in lagu xiro Madarasada “Husna” wallow aan faahfaahin laga bixin sababta ka dambeysa iyo natiijada hordhaca Baarista, Saraakiisha ayaa sheegay in Ololahaan ay qeyb ka yihiin Imaamyo Masaajid iyo Culumaa’udiinka degaanka.

Laga soo bilaabo January Sanadkaan 2020, kooxda Shabaabka waxey weerar joogto ah kuqaadaayeen Xarumaha Ciidamada Kenya iyo USA iyo weeraro dhabo-gal ah oo lagu beegsanaayo Gaadiidka Basaska ee Nairobi-Gaarisa-Mandheera, iyagoo ku dilay 20- qof oo rayid ah.

22540cookie-checkCiidamada Kenya Oo Bartilmaameed Ka Dhigtay Masaajidyada..