Ma Dhabaa In Xujeydii Degaanada Somaliland ay Ka Dhoofeen Garoomada Jigjiga & Garoowe

Somalia news

Xujey ka soo jeeda degaanada Somaliland, ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney ka dhoofeen garoomada diyaaradaha ee Magaalooyinka Jigjiga (Ethiopia) iyo Garoowe (Puntland), kadib markii ay Maamulka Muuse Biixi ku dhawaaqday inay gebi ahaanba joojisay xujaydii sannadkan gudan lahaa waajibaadka Xajka…

Maamulka Somaliland, ayaa waxay go’aankeeda ku sababeeyeen kadib qorshe qeybin ay Wasaarada Diinta ee Dowlada Federaalka oo ay ku dhintay tiradii ay guud ahaan Maamulada Gobolada qoondo loo siiyay saamiga xujayda.

Xujeydaan oo ka dhoofeen Magaalooyinka Jigjiga iyo Garoowe, ayaa safar dhulka ah ka safray Magaalooyinka Somaliland maadama ay Maamulka Muuse Biixi uu ka biyo diiday tiradii loo qoondeeyay ee xajka sanadkan.

Somaliland, ayaa ku eedaysay Dowladda Federaalka iney is hortaagtay in Dadka reer Somaliland helaan saamigii ay xaqa u lahaayeen, waxaana ay sheegtay in saamigii ay Somaliland ku lahayd xajka, la siiyay dadka reer Muqdisho, oo suuqa Bakaaraha lagu iibinayo, wuxuuna dowlada Sacuudiga ugu baqay in ay soo farageliso.

Dowladda Federaalka, ayaa iska fogeysay eedaymahaasi ay Maamulka Somaliland u jeedisay, Waxeyna intaasi raaciyeen in arrinta Xajka aan la siyaasadayn isla markaana aan lagu qaybsan hab ku saabsan qabiil iyo mamaul goballeed toona.

197910cookie-checkMa Dhabaa In Xujeydii Degaanada Somaliland ay Ka Dhoofeen Garoomada Jigjiga & Garoowe
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com