Ciidamo Shacbi Ku Rasaaseeyay Makhaayad

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya dhacdo uur ku taalo leh oo ka dhacday dagmada Diinsoor ee gobolka Bay, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Koofur Galbeed ay Dad Rayid ah Laaayeen kadibna u goosteen Kooxda Shabaab….

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in dadka rayidka ah ee la laayay ay ku sugnaayeen goob maqaaxi ah oo ku taala Diinsoor, “Dadka la laayay waxey tiradooda gaareysaa 14-qofood, waxaana ku jira laba ka tirsan ciidamada Federaalka, sidoo kalana dhaawac saddex ah ayaa jira” ayuu yiri qof goob jooge oo ah ehelkiisa ay qeyb ka noqdeen dadka geeriyooday.

Sida la fahamsan yahay ciidamada falkaan geystay waxey ilaalo u yahiin mid ka mid ah Mas’uuliyiinta dagmada, waxaana jira khilaaf siyaasadeed oo maalmahaan jiray.

Waxey dadka deegaanka ogyahiin in khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka dagmada, balse midkoodna kama hadlin arinta dhacday iyo sababta ay ku timid.

Wariye madax banaan oo ku sugan Diinsoor ayaa sheegay in ciidamada ay wali isku hor fadhiyaan magaalada, xaaladdana ay tahay mid kacsan, wuxuuna sidoo kale qiray in Gudoomiyaha dagmada uu hoosta ka galay ciidamada Ethiopia Oo taageero u muujiyeen.

Maamulka Dowlada Federaalka iyo Kan Konfurta Galbeed ayaa ilaa hadda ka hadlin isla markaasna aan ku bixin si xiisada colaadeed loo qaboojiyo, Sidoo kale waxey ka gaabiyeen iney war ka soo saaraan Dadka Rayidka ay ee lagu laayay degmada Diinsor.

25700cookie-checkCiidamo Shacbi Ku Rasaaseeyay Makhaayad