Horjoogihii Ururka Al-Qacida ayaa lagu dilay duqeyn Ka Dhacday Caasimada

U.S. World

Madaxweynaha Dalka USA Joe Biden ayaa sheegay in hogaamiyaha ugu sareeya Al-Qacida Ayman Al-Zawahiri lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday dalka Afghanistan….

Carkowgaan oo 71-jir ah, ayaa Ururka Al-Qaacida hoggaaminayay tan iyo markii Horjoogahoodii kooxdan Usama Bin Laden lagu dilay howlgal uu Mareykanku ka fuliyay Pakistan sannadkii 2011-kii, Biden ayaa sheegay in uu rajaynayo in dilka al-Zawahiri uu u keeno caddaalad qoysaska dhibanayaasha weeraradii September 11, 2001.

Maxaan ka ognahay howlgalka Mareykanka?

Mareykanka ayaa duqeynta fuliyay todobaadkaan dhamaadkiisa, balse dib u dhigay sii deynta xogta ilaa laga xaqiijinayo dhimashadiisa, sida ay saraakiishu sheegeen horaantii Isniintii.

Wakaalada wararka ee AP ayaa goor sii horeysay ka soo xigatay sarkaal ka tirsan Sirdoonka Mareykanka in guriga uu ku sugnaa al-Zawahri uu lahaa kaaliyaha sare ee hogaamiyaha Taliban Sirajuddin Haqqani.

Maxay yiraahdeen Saraakiisha Afghanistan?

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Talaadada in “weerar dhanka cirka ah” ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ku qaadeen guri ku yaala degaanka Sherpur ee caasimadda Kabul.

Kumuu ahaa Ayman al-Zawahiri?

Horjoogahaan wuxuu ahaa dhakhtar Indhaha oo u dhashey dalka Egypt, waxaa lagu sheegay inuu ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii lagu qaaday Mareykanka 11-kii September 2001-dii oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​3,000 oo qof, Al-Zawaahiri waxa uu dhashay 1951kii, waxa uu ka dhashay qoys hodan ah oo caan ka ahaa Qaahira.

204960cookie-checkHorjoogihii Ururka Al-Qacida ayaa lagu dilay duqeyn Ka Dhacday Caasimada