Coronavirus Oo Laga Helay Xarunta Xalane

Health

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa si rasmi ah wuxuu u xaqiijiyay in Qadaraasle Ganacsade ah oo iyaga ka tirsan laga helay Cudurka Caabuqa ee Saf-marka ah ee Covid-19…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Shaqsigaan muddo 8-maalmood la geliyay Karan-tiil (Go’doon). Waxeyna intaasi ku dareen iney su’aalo weydiinayaan bukaankaan hadii uu la kulmay dadyow kale.

Howlgalka UN-ka Somalia ayaa sheegay iney u diyaargaroobeen ka hortagga faafitaanka cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, “ Ahmiyadeena 1-aad Waa inaan daryeelno Bukaanka kana hortagno inuusan faafinta” ayee ku sheegeen qoraalkooda.

Maamulka Caafimaadka ee Dowlada Federaalka ayaa sheegay in Bukaankaan uu soo maray wadamo kala duwan, waxeyna sheegeen iney kala shaqeynayaan Xafiiska UN-ka Somalia nidaam caafimaad si loo xakameeyo faafitaanka Cudurkaan.

Dowlada Federaalka ayaa Caalamka weydistay Deeq Dhaqaale oo kor u dhaafeysa 57-million US$ si loo la tacaalo xaaladaha la xiriira ka hortagga Cudurkaan oo ilaa hadda dunida ka galaaftay 24-kun oo qof.

24450cookie-checkCoronavirus Oo Laga Helay Xarunta Xalane