Maxaa Wax Looga Qaban la’yahay Fuustooyinka Sunta ee Lagu soo Daadiyo Xeebaha Dalka…

Health Somalia news

30-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay tirada Fuustooyinka sunta iyo Haraadiga Kiimikada ee Dalalka Europe (Italy, France & Spain) qaarkood si qarsoodi ah ugu daadiyaan Xeebaha Dalka gaar ahaan Degaanada Hirshabelle iyo Galmudug..

Wararka ayaa sheegay in Fuustadaan oo Afka ka alxaman ayaa lagu arkay Xeebta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada dhexe, sidaan oo kale ayaa sanadkii 2021-kii 2-Fuusto ugu soo caariyeen Xeebta Degmadaan, iyadoo Dadka qaarkiisa ay shaki ka muujiyeen in Hogaanka Villa Somalia oo dhawaan tagay Caasimada Italy uu heshiis la soo gaaray Madaxda Dalkaasi.

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Dadka Degaanka ee ka qeyb qaata duugista fuustooyinkaan ay geeriyoodaan muddo gaaban kadib sababo la xiriira Fuustooyinkaasi, ku darsoo Kooxaha isku sheega Saaxiibada Somalia ayaa iyaguna balanqaada iney wax ka qabanayaan Fuustooyinkii oo ah Haraadiga Kiimikada Isbitaalada ee Dalalka Europe si qarsoodi ah loogu soo daadiyo degaanada Labada Maamul.

Dalka Somalia horey ula tacaalay Musiibada ka dhalatay dagaalada Kooxaha argagixisada isla markaasna ka mid ah dalalka uu saameeyay isbedelada Cimilada, hadana waxaa u dheer Xaalufinta Kaluumka ee ay ku hayasn Maraakiibta Kaluumeysiga ee Dalalka kor ku xusan, iyagoo sidoo kale Haraadigooda Kimikada Isbitaalada iyo Wasaqda Warshadabooda u soo qaada Xeebaha Galmudug iyo Hirshabelle, Dowlada Federaalkana ku fashilantay iney wax ka qabato Musiibadaan.

253870cookie-checkMaxaa Wax Looga Qaban la’yahay Fuustooyinka Sunta ee Lagu soo Daadiyo Xeebaha Dalka…