Wasaarada Caafimaadka Oo Dalka ka Ceyrisay Agaasimihii Isbitaalka Erdogan..

Health Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa khilaaf muddo soo jiitamaayay una dhaxeeyay Agaasimaha Isbitaalka Digfeer oo u dhashay Dalka Turkiga iyo Kuxigeenkiisa oo ay soo magacaawday Wasaarada Caafimaadka, khilaafka oo salka ku hayay Hanaanka shaqo ee Agaasimaha iyo Wasaarada Caafimaadka…

Wararka ayaa dheegay in Wasiirka Caafimaadka (Dr.Cali Xaaji) oo hortagay Guddiga horumarinta adeega Bulshada uu warbixin ka siiyay amar uu ku bixiyay in Agaasimaha Isbitaalka Digfeer uu shaqada ka joojiyay kadibna ka codsaday Wasaarada Caafimaadka Dalka Turkiga iney la laabtaan Agaasimaha guud ee Isbitaalka oo Dowladda Turkiga u soo magacaawday Maamulka Isbitaalka.

Wasiirka ayaa u sheegay Guddiga in Agaasimaha u dhashay Dalka Turkiga uu ka dhego adeygay amaradii Wasaarada Cafiimaadka, iyadoo lagu eedeeyay inuu si qaldan ula dhaqmay Agaasime kuxigeenka Isbitaalka & Dhakgaatiirta Soomaaliyeed ee Isbitaalka ka shaqeysa, iyadoo tiro Cabasho ah loo gudbiyey Wasaarada.

Go’aanka Shaqada looga joojiyay Agaasimaha ayaa waxaa soo saartay Wasaarada Caafimaadka Turkiga kaasoo soo baxay 18-kii Luuliyo Sanadkaan, Isbitaalka Erdogan waxaa maalgeliyay Hey’ad Turki ah, kadibna waxaa la wareegay Maamulka Wasaarada Caafimaadka Turkiga, iyadoo Heshiis ay labada Dowladeed wada gaareen ayaa oggolaanaya in Agaasimaha ay soo Magacaawdo Turkiga halka Kuxigeenka loo xil saaray Wasaarada Caafimadka Somalia.

267040cookie-checkWasaarada Caafimaadka Oo Dalka ka Ceyrisay Agaasimihii Isbitaalka Erdogan..