Khilaafka daba-dheeraadey ee doorashooyinka Somalia ayaa galay mar-xalad halis ah, sidda lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda International Crisis Group oo xustey in is-mari-waaga uu isku bedeli karo gacan ka hadal…
Xiisada ayaa cirka isku shareertay markii 12 April 2021,Golaha Shacabka muddo kororsi laba sano ah ugu sameeyay madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia Farmaajo. Mucaaradka, Puntland, Jubbaland iyo Beesha Caalamka waxa ay si isku mid ah udiideen mudo dharaysiga ay sameeyeen golaha shacabka.
“Saaxiibbada dibedda ee Somalia, oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika (AU) oo ay taageerayaan Mareykanka, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, waa in ay u istaagaan abaabulidda – iyo hoggaaminta – wada-hadallo cusub oo dhexmara dhammaan daneeyayaasha si loo dejiyo khariidad loo maro doorashooyinka waqtigooda ku dhaca,” ayay ku Taliyeen Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah.
“Dhammaan jilayaasha dibadda waa in ay si aan shaki ku jirin u muujiyaan in ay diyaar u yihiin in cunaqabateyn lagu soo rogo dhinacyada hor istaagaya hindisaha cusub ee lagu doonayo waddo la isku afgarto oo horay loo socdo”.
Diblomaasiyiinta ayaa horey uga dhawaajiyey in ay qaadayaan talaabooyin ay kamid yihiin; dib-u-eegida xiriirka ayla leeyihiin dowladda federaalka, xayiraad kusoo rogida madaxda caqabada ku ah dedaalada xaldoonka ah iyo joojinta taageerada dhaqaale.
“Xaqiiq ahaan, si kastaba ha noqotee, doorasho kasta waxay u baahan tahay in si ballaaran loogu saleeyo xeyndaabka heshiiskii Sebtember 17, iyadoo la ogyahay in doorashada aan tooska ahayn ay tahay habka keliya ee suurtogalka ah ee lagu codeyn karo jawiga amniga ee maanta maadaama Al-Shabaab ka taliso dhul ballaaran oo koonfurta dalka ah,”.
Crisis Group oo si weyn ugu talisay in xoojinta doorka Beesha Caalamka ee dhexdhexaadinta madaxda Soomaalida uu xal ku imaan karo ayaa ku boorisay in Mareykanka uu Turkiga iyo Qadar u kaashado dabcinta mowqifka Farmaajo.
“Si loo wanaajiyo fursadaha uu Farmaajo ku beddeli karo mowqifkiisa, Mareykanka wuxuu si toos ah ula shaqeyn karaa taageerayaashiisa muhiimka ah ee Farmaajo – Qatar iyo Turkiga – kuna boorinayaa inay ka dhaadhiciyaan madaxweynaha si uu u muujiyo dabacsanaan ballaaran, marka loo eego halista ay dhibaatadu [muddo kororsiga ku leedahay xasiloonida Soomaaliya”.