Ethiopia oo Cadow ku Tilmaamtay Dalalka Taageeray Midnimada Dhuleed/Xeebeed ee Somalia..

Africa News Somalia news

La taliyaha xagga Amaanka ee Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Mr.Radwaan Hussein oo ka hadalay taageerada caalamiga ah ee Somalia heshay kaasoo dhan ah damaca Ethiopia ee Xeebaha iyo Dhulka Somalia oo ay ku dooneyso iney boob iyo xoog ku qaadato, ay yihiin kuwo cadow ku ah Dalkiisa…

Wuxuu sheegay Mr.Radwaan in “Jilayaasha aan weligood taageero u fidin Somalia xiliyadii ay u baahneyd, ayaa maanta isku dayaaya iney yihiin Saaxiibo sokeeye ah, balse waxa ku dhiiri gelinaaya fara gelinta khilaafka aysan aheyn Saaxiibtinimo dhab ah cadowtooyo ay u qabaan Ethiopia.

Khubarada Iyo falanqeeyayaasha Siyaasada Gobolka ayaa horey uga digay in Falka Fududeydka ku dhisan Maamulka Abiy ee Ethiopia ay dib u soo nooleyn karaan Colaadii ka dhaxeysay Somalia iyo Ethiopia Dalalka Gobolka u horseedi kara dagaal dhiig badan ku daato hadii aysan dib uga laaban damaceeda dhul/xeeb boobka raali gwlin buuxdana ka bixiyaan falkii 1-da January 2024-kii..

Somalia Ma Furin Dagaal mise Buqcad Nabadeed

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somalia Cali Cumar (Balcad), oo ka falcelinaayay Hadlkii Mr.Radwaan ayaa meesha ka saaray in Somalia iyo Egypt ay khatar ku yihiin Dal iyo Dad kale.

303240cookie-checkEthiopia oo Cadow ku Tilmaamtay Dalalka Taageeray Midnimada Dhuleed/Xeebeed ee Somalia..