Midowga Musharixiinta Oo Ku Gacan seyray Dalabkii Farmaajo

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Fariimo laga keenay Villa loona gudbiyay Midowga Musharaxiinta, kuwaasoo ku gacan seyray farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo ahaa codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo inuu la kulmo Musharaxiinta…

Ilo ku dhow dhow shirka ka socda guriga Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegaya inuu isaga soo baxay C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii Qoorqoor iyo Guudlaawe ay shirka la yimaadeen wixii ay ka sugayeen wax aan aheyn oo ah inay farriin sidayaal noqdeen, halka markii hore laga sugayay inay mowqif cad ka qaataan muddo kordhinta labada sano oo wixii ay kala soo kulmeen Farmaajo ka sheegaan shirka maalinta Isniinta.

Kulankaan ayaa la sheegay in dood kulul dhex martay dhinacyadaan, iyadoo lagu Eedeeyay Qorqor iyo Guudlaawe ineysan daacad ka aheyn Ee wakhti lumis kaliyah ah wadaan, waxaana la sheegay in 2-da Nin lagu Eedeeyay ineysan qaadan karin go’aano lid ku ah Farmaajo iyo muddo Kordhinta sharci darrada ah.

111950cookie-checkMidowga Musharixiinta Oo Ku Gacan seyray Dalabkii Farmaajo