Cudurka Covid-19 Iyo Somalida UK

Health

Wararka ka imaanaya Magaaada London ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Salaad uu xalay ugu geeriyooday xanuunka COVID-19, iyadoo Afadiisa iyo Carurtiisa la la tacaalaayo daweynta….

Wararka ayaa sheegaya in Marxuum Maxamed Salaad uu noqonaya muwaadinkii afaraad oo Soomaaliyeed, oo cariga Ingiriiska ugu geeriyoodo xanuunka saf marka ah ee Coronavirus.

Allaha u naxariistee Maxamed Salaad ayaa xaaskiisii iyo qaar ka mid ah carruurtiisiiba laga helay Coronavirus, inkastoo aysan xaaladoodu ahayn mid halis ah.

Isbitaalada ku yaala Magaalada London ayaa waxaa caabuqa COVID-19 ula jiifa 16 qof oo Soomaali ah, illaa iyo hadda inta laga warqabo.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wiil uu dhalay oo Daahir lagu magacaabo ayaa ka mid ah Soomaalida London ku nool, ee uu soo ritay Coronavirus.

Boqortooyada UK ayaa laga diiwaangeliyay kiisas gaaraya 11,658 oo caabuqa COVID-19 ah, waxaana ugu dhimatay 578 qof, shalay oo keliyana waxaa ugu geeriyootay 113 ruux.

Caalamka oo idil waxaa laga xaqiijiyay in laga diiwaangeliyay 536,477-kiis oo la xiriira caabuqa COVID-19, ee ka dhashay fayriska Corona, waxaana u geeriyootay 24, 114, halka ay ka soo bogsadeen 124,395 sida ku cad xog uruurin ay samaysay Mareegtada Worldometers.info

24420cookie-checkCudurka Covid-19 Iyo Somalida UK