Joojinta Qaadka Iyo Macaashka Saraakiisha Maamulka

Health Politics

Ilo wareedyo ayaa Mareegtada Diinah.com u sheegay in Kadib markii uu Maamulka Farmaajo uu ku dhawaaqay ay joojiyeen qaadkii dalka iman jiray, isla markaasna si show ah magaalada Muqdisho loogu gubay Shixnad qaad ah…

Warbixino hordhaca ah ayaa muujinaaya in Muqdisho lasoo geliyo qaad, si joogto ah, iyadoo Saraakiil Maamulka Villa Somalia ay ku lug leeyihiin ka ganacsiga Qaadka, waxeyna heshiis hoose la gaareen Ganacsatada Qaadka doomaha ku keena.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Qaadka ay doomo uga soo dejiyay now Xeebaha Jazeera, Ceel-Macaan iyo kuwa kale ee duleedka Muqdisho, waxaana lagu soo geliyaa suuqa gaadiid ay wataan ganacsato ay wehliyaan saraakiil sare iyo ciidamo.

Waxaana guryahooda loogu geeyo Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil ka tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha inta kale lagu iibiyaa qiimo aad u sareeya suuqdyada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in marduufii qaadka oo horey magaalada uga joogay qiyaastii 20-US$, uu hadda gaaray lacag u dhaxeysa 150 illaa 200 oo US$, taasi oo ay awoodaan dad yar oo u badan mas’uuliyiin iyo ganacsato lacag haysta.

25010cookie-checkJoojinta Qaadka Iyo Macaashka Saraakiisha Maamulka