Cudurka Gowracatada oo ka Dilaacay Degaano ka Tirsan Shabeelada Dhexe & Bukaano u Geeriyooday..

Health Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya inuu ka dilaacay cudur magaciisa lagu sheegay Gowracato, kaasoo Saameyn ku sheegay Dadka iyo Duunyada, iyadoo si fudud uu ku faafo lagana soo saaray digniino…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Cudurkaan Gowracatada la soo wariyay iney u geeriyoodeen laba Qof, isla markaana ay haatan uu soo ritzy in ka badan 20-Bukaan oo kale, waxaana laga soo saaray digniino ku aadan faafinta Cudurkaan sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somalia.

Cudurkaan Calaamadaha lagu garan karo waxa ka mid ah inuu dhuunta xiro Bukaanka oo wax ka dadagi wayaan, Qandho joogto ah, iyo tababar daro xad ka bax ah oo qofka la kici waayo, hada degaano badam oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe ayaa laga soo sheegay Wasaaradda Caafimaadka waxay wadaa dadaalo looga hortagayo cudurkan.

337090cookie-checkCudurka Gowracatada oo ka Dilaacay Degaano ka Tirsan Shabeelada Dhexe & Bukaano u Geeriyooday..