Ciidamada Amaanka Oo Kismaayo Ka Bilaabay Howlgalo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad goboleedka Jubbaland waxaa saakay baaris ka bilaabay Ciidamada Nabadsugidda, kadib markii habeenadii lasoo dhaafay dhowr kontorool lagu tuuray Bam gacmeed sababay dhimasho & dhaawac….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Xalay Magaalada Kismaayo gaar ahaan Isgoyska Xaaji Jaamac oo bar kontorool ay ku leeyihiin Ciidamada ammaanka waxaa lagu tuuray Bam Gacmeed, sidoo kale habeen kahor Bam ayaa lagu tuuray Bar kale, halka Todobaadyadii lasoo dhaafay la weeraray xarumo & guryo ay degen yihiin mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland.

Ciidamada saakay howlgalka Wada ayaa xadiday isu socodka dadka Gaadiidka Xaafadaha ay ka howlgalayaan, waxaana goob ay isugu geeyeen dhalinyarada ay soo qabteen kuna tuhmayaan in ay katirsan yihiin ama xiriir la leeyihiin Shababka.

Wixii ka dambeeyay Bishii July 2019ammaanka Magaalada Kismaayo waa uu dabcay, maadaama qaraxyo & weeraro dad kala duwan lagu dilay ay ka dhaceen Xarunta KMG ah ee DG Jubbaland, taas oo keentay in ciidanka loo kala qaybiyo goobaha ay mas’uulka ka noqonayaan.

86580cookie-checkCiidamada Amaanka Oo Kismaayo Ka Bilaabay Howlgalo