Rooble Oo Kala Diray Guddiyadii Doorashada ee Heer Federaal

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa qorshe guracan oo Guddiga Doorashada dadban ee heer Federaal ay ku doonaayeen iney ku fasaxaan Hop#086, kadib markii maalmo si qarsoodi ah u wada hadleen Wakiilo ka socda Fahad Yasin iyo Guddiga FIET…

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka 1-aad ee Dowlada xil gaarsiinta Mr.Rooble lagu wargeliyay qorshaha socda wuxuuna soo saaray Qoraal lagu kala diraayo guddiyaddii doorashada dadban ee dalka ka dhacday, kadib markii uu ka war helay qorshe uu damacsanaa guddiga FEIT.

Waxaa la sheegay in heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray xubnaha guddiga iyo ergo ka socotay Fahad Yaasiin, si kursiga loo fasaxo, taasi oo Rooble uu kala kulmi lahaa waji gabax, iyadoo fasaxa kursiga lagu kala qaadan rabay lacag dhan 1.5 million US$ ah, oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen.

Waxaa xusid mudan in doorashadii sanadkaan ay tiro Xildhibaano ah oo badankood ka tirsanaa Hey’adda NISA loo xiray Kuraasta, si ay ugu helaan xasaanad uguna baxsadaan Cadaalada iyo Dembiyadii ay geysteen 5-tii sano ee u dambeysay.

191610cookie-checkRooble Oo Kala Diray Guddiyadii Doorashada ee Heer Federaal
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com