Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dabley hubeysan ay hiirtii hore ee saakay ku dileen 2-Qof oo Rayid ah mid ka mid ah Degaanada Koogaar ama Burdheere oo hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoo loo aaneynaayo Aano Beeleed..
Wararka ayaa sheegaya in Marxuumiinta la dilay magacyadoodu ay kala yihiin Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale, waxaa lala xariirinaya arrimo salka ku haayo aanooyin qabiil waxaana dadka deegaanka ayaa sheegeen in falkaani uu sababi karo hurinta xiisad colaadeed, iyadoo mid ka mid Marxuumiibta uu ka shaqeynaaya shirkad isgaarsiineed oo ku taala deegaanka, halka midka kalana uu ka shaqeynayay Ceel biyood ku yaala Degaanka.
Dilkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhowr maalmood ka hor duleedka degmada Cadalle lagu dilay Darawal waday gaari Noha ah, kaasoo la sheegay iney toogteen maleeshiyaad hubeysan oo iyaguna kasoo jeeday Cadalle, Hogaanada Maamulka fashilmay ee Villa Somalia iyo Maamulka Fadhiidka ah ee Hirshabelle ayaa lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen iney xakameeyaan dilalka ka dhex dhaca Beesha ay ka soo jeedaan.