Madaxtooyada Oo Xarun U Noqotay Beesha Mareexaan

Somalia news

Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa bilihii ugu dambeeyay waxey hoy u noqotay Xubno ka soo jeeda Beesha Mariixaan Ee Mr.Farmaajo, kadib markii xilka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Wasiirka 1-aad laga qaaday Mr.Cabdirisaaq Caato oo ah Wiil uu adeer u yahay Mr.Farmajo ayuu u magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada…..

Waa markii ugu horreysay taariikhda cusub Ee Somalia uu Agaasimaha NISA magacaabo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW iyo Agaasimaha Madaxtooyada. Waxaa kol hore uu Fahad Yasin u magacaabay Agaasime Xigeenka Madaxtooyada wiil aay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Cabdinur Maxamed, haddana ka tirsan Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka.

Xafiiska Wasiirka 1-aad ayaa la xaqiijiyay iney ku hareen Ilaa 40-Saraakiil iyo Dabley ka soo Beesha Mareexaan kuwaasoo ka tirsan Ururka Boliiska Dableyda (BM) Madaxtooyada, waxeyna u Xil saaran yihiin ilaalinta Amaanka Xafiisyada Wasiirka 1-aad, iyadoo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu dhaqan ka dhigtay inuu Beeshiisa xarun uga dhigo Madaxtooyada.

83110cookie-checkMadaxtooyada Oo Xarun U Noqotay Beesha Mareexaan