Dabley Rasaas La Beegsatay Hoyga Sheekh Shariif

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya Gaari kuwa Xoogaga amaanka sumadiisuna tahay (Pol-318) ay leeyihiin uu rasaas ku furay Difaaca Hore Ee ilaalada Hoyga Madaxweynihii Hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed…

Wararka ayaa sheegaya ineysan rasaas raadi aysan dhibaato u geysan Ilaalada hoyga Madaxweynaha mana ka jawaabin daandaansiga Xoogaga hubeysan ee Maamulka Farmaajo oo mudooyinkii ugu dambeeyay waday qorshayaal ah sidii uu dagaal uga dhici lahaa Magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Himilo C/naasir Mohamed Sheekh Nuur ayaa sheegay in Gaari ay leeyihiin ciidanka Booliska oo Namberkiisu yahay POL 318 ayaa xabado ku furay difaaca 1aad ee laga ilaaliyo guriga uu degan yahay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, iyadoo Ciidamada ilaalada ka ah guriga ay muujiyeen mas’uuliyad.

Mas’uul ka tirsan xisbiyada Mucaaradka ayaa ka digay in Maamulka Farmaajo ay ka waantoobaan dandansiga ay wadaan, wuxuuna sheegay in hadii uu dagaal bilaawdo uu qaadi doono Mas’uuliyada dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

25560cookie-checkDabley Rasaas La Beegsatay Hoyga Sheekh Shariif