Ra’iisul Wasaarhii Hore Ee Somalia Oo Geeriyooday

Opinion

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay…

War saxaafadeed uu soo saaray wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayuu ku xaqiijiyay geerida aabihii, oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka Kings College.

Marxuum Nuur Cadde ayaa lagu aasi doonaa magaalada London, maadaama aanay suura gal aheyn in Soomaaliya loo soo qaado, si loogu aaso bacdamaa ay xayiran yihiin isu socodka duulimaadyada inta badan dalalka caalamka oo la tacaalaya ka hortagga cudurka Coronavirus.

Allaha u naxariistee Nuur cadde ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sanadihii 2007-2009, dowladdii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Sidoo kale Wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay Qeybaha kala duwa ee Ciidamada Boliska, sidoo Wuxuu Soo Noqday Xeer ilaaliyaha Guud ee MBD iyo Gudoomiyaha Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ee Somalia.

Bahda Mareegtada Diinah.com waxey tacsi u dirayaan Qoyska iyo Ehelada uu ka baxay Marxuum Dr.Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Marxuumka Allah janadiisa Ha ka waraabiyo.

25470cookie-checkRa’iisul Wasaarhii Hore Ee Somalia Oo Geeriyooday