Dacwado & Eedo Lagu soo Oogay Bangiga Standard Chartered ee Boqortooyada UK..

Business World

Macluumaad ayaa laga helayaa Eedeymo adag oo loo jeediyay Banki laga leeyahay dalka Boqortooyada UK, kaasoo lagu soo oogay Eedeymo la xiriira iney fududeeyeen qorshe Malaayiin US$ oo dhaqaale loogu gudbiye Dalal & Hey’ado gacan saar la leh Argagixisada…

Sida ku cad Qoraalo caddeyn ah oo lagu soo bandhigay Maxkamad ku taal Mareykanka, Bankiga Standard Chartered oo ka mid ah Bangiyada ugu saameynta badan UK, ayaa ka bedbaadey dacwad uga timaadda Waaxd Caddaalad Mareykanka, kadib markii ay soo faragelisey Maamulkii David Cameron 2012.

Caddeymo cusub oo la hor keenay maxkamad ku taal magaalada New York ayaa muujinaya in bankigani ku lug yeeshay macaamilaad maaliyadeed oo ku kacaya qiime dhan Boqol Billions oo US$ intii u dhexeysay 2008 ilaa 2013 uu u fuliyey Dalka Iran, iyadoo ay dalkaasi saarnayd cunaqabatayn calami ah.

Baaristw ayaa sidoo kale lagu ogaadey in Bankiga Standard Chartered uu sidoo kale ku lug lahaa ku dhowaad 10-Billions oo US$ oo lacag adag oo loo waaridey Ururada dowladda Mareykanku u aqaansantahay “agagixiso”, sida Xisbullah, Xamas, al-Qaeda iyo Taliban, Qareenada Bangiga ayaa ku tilmaamay Eedaha kuma aan waxba ka jirin.

330100cookie-checkDacwado & Eedo Lagu soo Oogay Bangiga Standard Chartered ee Boqortooyada UK..