Waa Kuma Hogaamiyaha Xiligaan Somalia U Baahan tahay

Somalia news

Culimada ku xeelka dheer Cilmi-nafsiga Bulshada, waxay xaqiijiyeen oo farta ku wada fiiqeen Ahmiyadda Hoggaaminta iyo kaalinta ay ku leedahay dhismaha iyo horumarka shucuubta kala geddisan Waxay Culimmadu caddeeyeen Inuu Madaxweynuhu saldhig u yahay isku-duubnida iyo wadajirka…

Waajibaadka horyaala ee laga rabo inuu guto Hoggaamiyuhu waxay ku xiran tahay hadba nooca bulshada ee uu hoggaankeeda hayo iyo Wadiiqada siyaasadeed ee ay ku taagan tahay Hoggaamiyayaasha kala geddisan ee bulshooyinka dimuqraadiga ah, tan Dimuqaraadiyada, kan Kali-talis ah, Noocyadaan way kala duduwan yihiin, maxaa yeelay isku nidaam, hab iyo xeer midna ma aha.

Culimmadu waxay isla meel dhigeen, iney cilmi-ahaan adag tahay inuusan hoggaamiye qaban karin, Shaqsiga leh Sifooyinka soo socda:- (a)  Qofka shakiga badan ee aan isku kalsoonayn. (b) Qofka aan bulshaawiga ahayn, goonni-u-socdka ah, dad la dhaqankana lahayn. (c) Qofka garashadiisu kooban tahay. Dadka astaamaha noocaas ah leh, hadday qabtaan xil hoggaamin bulsho, way ku guul-darraysanayaan oo  kama miro-dhalin karaan.

Waxaa kaloo hoggaaminta bulshada hadduu qabto, isaguna ku fashilmaya Shaqsiga leh astaamaha wanaagsan ee hoggaaminta bulshada sida Geesinnimada, Deeqsinimada, Go’aan-qaadashada degan, Garsooridda wanaagsan iwm hase yeeshee, ay ka maqan tahay Hawl-karnimada, Waayo-aragna aan ahayn, waana sida loo yiraahdo;” Waayo-aragnimo la’aaney ba’.

Marka aynu hoos u eegno sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee lagu garto Madaxweynaha ama Hoggaamiyaha Wanaagsan, ma fududa xadidaddoodu, maxaa yeelay, waxay badanaa ku xiran tahay, xaaladaha adag ee hadba soo wajaha hoggaamiyaha, waaqaca aan laga gudbi karin ee hor-yaal iyo deegaan-bulshadeedka ku xeeran, ”” Haddii uu nin geesi ahi, raggu (geed-adayg yahay), haddaan garabka lala qaban guri oodi maayo..”

188380cookie-checkWaa Kuma Hogaamiyaha Xiligaan Somalia U Baahan tahay