Hey’addaha Sirdoonada Aduunka & Tayadooda Sugida Amaanka

World

Hey’adda Sirdoonka waxey qeyb udub dhaxaadka u ah u tahay sugida Amaanka Dalka islamarkaasna u xil saaran tahay xafidida xogaha iyo Danaha Dalka ee dibadda iyo gudaha, iyadoo lagu saleynaayo falanqeynta Macluumaadka Qaranka iyo sugidda amniga taasoo qeyb ka ah adeeg hufan & hanaan sirdoon…

Dadka taxliiliya dhanka Amaanka marka ay ka hadlayaan sugidda amaanka dal ayaa waxa ugu horeeya ee ay ku taliyaan waxay tahay helidda Hay’ad Sirdoon oo tayo iyo awood leh. Sababtaas ayay dalalka dunida dhaqaalaha ugu badan ugu bixiyaan casriyenta iyo horumarinta awoodahooda sirdoon iyo xog-helid.

Haddaba, Shanta Hey’adood ee ka mid ah kuwa ugu awoodda, tayada iyo holwgalada badan dhanka sirdoonka Caalamka.

  • Sirdoonka Mareykanka ee CIA
    Hey’addaan ayaa waxaa la asaasay sanaddii 1947, Waxeyna xirfad ahaan sirdoon u suurto gelisay iney Macluumaad iyo xuuraan badan muddo gaaban ku uruuriyaan, iyagoo adeegsanaaya adeegayaal iyo dhaqaale, ayna howshoodu u sahashay iney kaalinta hore ka gasho ogaalka dhacdooyiinka caalamka ka dhaca.
  • Wasaarada Amniga Dowladda (MSS), waa Sirdoonka Rayidka, Amniga iyo Hey’adaha u xilsaaran Sirta dalka ka hortagga sirdoonka shisheeye & xafidida Amaanka amaanka gudaha, waxeyna ku bixiyaan dhaqaale xad dhaaf ah, si loo xafido sirta dalka.
  • FSB (ex KGB) Waa Hey’adda U xil saaran Dalka Russia sugida amaanka uruurinta Macluumaad sirdoonka, ka Faa’iideysiga xuuraanka lagu taageeraayo fulinta Sharciga & amniga gudaha difaaca ujeedooyinka & siyaasadaha dibeda.
  • MI6, Hay’adda Sirdoonka Dibeda ee UK waa Hey’adda sirdoonka, waxeyna u xil saaran tahay xog uruurinta dibeda, Hay’adani ayaa waxaa xarun u ah magaalada London, waxaana la asaasay 4 bishii July 1909.
  • Mossad, waa Hey’adda Sirdoonka Israel, waxeyna kaalimaha hore kaga jirtaa awoodaha xog helida gaar ahaan beegisga kooxaha argagixisada, waxaa la aasaasay 1949, sanad kadib markii la dhisay Dalka Israel, iyadoo la sheego iney Sirta ay helaan ka iibiya Dalalka USA, China, Russia iyo EU-da dalalka ku bahoobay.
166660cookie-checkHey’addaha Sirdoonada Aduunka & Tayadooda Sugida Amaanka