Dagaal Beeleed Dib uga Qarxay Degaan ka Tirsan Gobolka Mudug ee Somalia…

Security Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal beeleed ayaa aroornimadii hore ee saaka dib uga qarxay Degaanka Buq oo wax yar u jira degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug, Dagaalka ayaa u dhaxeeya Maleeshiyaad degaankaasi wada dega…

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka oo u dhexeeya laba mileeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Beelaha Dir iyo Shiikhaal ayaa weli soconaya waxaana laga soo sheegaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac iyadoo tirada la sheegay iney kor u dhaafeyso 10- Qof iyo 20- Dhaawacyo kala duwan qaba.

Maamulka Gobolka, kan Galmudug & Dowlada Federaalka ayaa ka gaabiyay iney xakameeya Dagaal Beeleedkaan oo muddo soo noqnoqday inkastoo Marar kala duwan ayaa la isku dayay in waan-waan nabadeed lagu xalliyo colaadda labada beelood balse ilaa iyo hadda laguma guulaysan dadaalladii socday.

342950cookie-checkDagaal Beeleed Dib uga Qarxay Degaan ka Tirsan Gobolka Mudug ee Somalia…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *