Maxaa Xilka Looga Qaaday Taliyaha Saldhigga Boliiska Jowhar

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa in xil ka qaadis laga sameeyay Taliyaha Saldhigga Boliiska Magaalada Jowhar, kadib markii Madaxtooyada Villa Somalia iyo Hogaanka NISA ay culeys ku saareen Taliyaha Boliiska inuu ku dhaqaaqo xil ka qaadista…

Xogtaan ayaa xaqiijisay, in xil ka qaadista Dhamme Maxamed Saciid Cali (Canjeex), uu ka dambeeyo Adeege Fahad Yasin, waxaana la sheegay in Mr.Canjeex uu diiday amar lagu soo xiraayo Muwaadin guri ku Leh Magaalada kaasoo diiday inuu Guri ka kireeyo Xubno ka wakiil ah Agaasimaha NISA, kaasoo uu doonaayay inuu dego in lagu jiro xiliga Doorashada.

Xiisadaan ayaa la sheegay in aad looga hadal hayo Magaalada Jowhar, iyadoo dood laga keenay Sababta Taliyaha Boliiska uu Maamulkiisa ugu kooban yahay Maamulada taageersan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, halka Maamulada Puntland, Somaliland iyo Jubbaland ay hoos tagaan Ciidamada Boliiska Ee degaanadaasi.

132310cookie-checkMaxaa Xilka Looga Qaaday Taliyaha Saldhigga Boliiska Jowhar