Digniino iyo Khataro dhanka Amaanka ah Oo Laga Soo Saaray Magaalada Mogdishu

Somalia news

Digniin Amaan welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya in lagu wargeliyay Hey’adaha Amaanka Dowlada Federaalka iney magaalada soo galeen 3-Gaari oo Miineysan iyo tiro dhowr ah Maleeshiyaad naftood-haligayaal kuwaasoo loo qorsheeyay iney qaraxyo ka fuliyaan goobaha Dadku ku badan yahay iyo xarumaha Dowlada iyo Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in gaari ka mid ah Gadiidkaan oo horey looga qabsaday Ciidamada Boliiska ay ku wehliyaan tiro Maleeshiyaad ah oo ku lebisan Direeska Ciidamada Boliiska, lagu hayo Guryo ku yaal Degmooyinka (Howlwadaag lama hubo) Gobolka Benaadir, waxeyna diyaar u yihiin iney weerar qorsheysan ku qaadaan Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Degmooyinka Cabdicasiis iyo Wadjir la sheegay in lagu hayo laba Gaari oo kuwa Xamuulka ah lagana soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa loo qorsheeyay in lagu weeraro Dhismayaasha Safaaradaha Turkiga & UAE, halka ka yaala Degmada lagu wado inuu qaraxyo ka fuliyo Xerada Xalane/ Garoonka doyaaradaha ama isgoysyada KM-4 ama 5.

Inkastoo Shacbiga iyo Saraakiisha Amaanka aysan heynin xog sugan oo lagu duulaan tegi karo, marka laga soo tago cabsida iyo dareen ku jooga magaalada labadii Sabti ee u dambeysay, oo ay weeraro fuliyeen haddana ay qorsheynayaan iney weeraro ka fuliyaan goobo cayiman, waxaana Shacbiga looga digayaa iney xakameeyaan dhaqdhaqaaqooda maalmaha Jimcaha, Sabtiga iyo Axada.

224500cookie-checkDigniino iyo Khataro dhanka Amaanka ah Oo Laga Soo Saaray Magaalada Mogdishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com