Dagaal Beeleed Dib uga Qarxay Galbeedka Gobolka Mudug & Sababta…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal beeleed muddo soo socday laguna faahilmay in joojiyo ayaa dib uga qarxay goob u jirta magaalada Galdogob 20-KM, iyadoo Maleeshiyo beeleedka ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa culus iyo fudud kuwaasoo ku qasbay Dadka Rayidka iney ka barakacaan Guryahooda…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka ayaa saaka ka socota nawaaxiga degaanka lagu magacaabo Jiicboor waxaana halkaasi ku dagaalamaya maleeshiyaad ka soo kala jeeda Galdogob iyo Bandiiradley., iyadoo Dhaawacyada labada dhinac loo kala qaaday Isbitaalada ku kala yaala Konfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegaya dagaalka saaka oo lagu tilmaamay mid ka xoogan dagaalladii hore halkaasi ugu dhex maray maleeshiya-beeleedka labada dhinac, Sidoo kale dagaalka ayaa imaanaya iyadoo uu socday dadaal lagu raadinayay in la joojiyo colaadda islamarkaana la kala qaado maleeshiyaadka labada beelood.

333530cookie-checkDagaal Beeleed Dib uga Qarxay Galbeedka Gobolka Mudug & Sababta…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *