Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qaraxii Ka Dhacay Mogadishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa fal is-miidaamin ah oo ay soo wada diyaariyeen Kooxaha Shababka iyo kuwa Villa Somalia, kaasoo lagula beegsaday Kolonyo gadiid ah oo ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka kuwaasoo ku sii jeeday Xafiisyada Wasiirka 1-aad..

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaan ay soo wada diyaariyeen Kooxda Shababka iyo kuwa NISA ee xiriirka Wada shaqeyn la Leh Fahad Yasin iyo Cabdullaahi Kulane Jiis Mareexaan, iyadoo uu fuliyay naftii halige ka tirsan Kooxda Shabaab kaasoo la sheegay in Gaariga uu watay muddo daba socday Kolonyada Mas’uulka tirsan Dowladda Federaalka.

Qaraxaan ayaa la sheegay inuu dhaliyay khasaare balaaran oo dhimasho iyo dhaawac soo wada gaaray Ciidamada ilaalada iyo Dadka Rayidka ah oo ku sugnaa goobta qaraxa ka dhacay.

142480cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Qaraxii Ka Dhacay Mogadishu