Shirkada Hormuud Foundation Oo Qoraal Cabasho Ka Soo Saartay Hab-Dhaqanka Hey’adda NISA..

Somalia news

Qoraal ay soo saareen Shirkada Hormuud Foundation ayeey cabasho kaga muujiyeen Ciidan Hubeysan oo weerar ku ekeeyay Xafiisyada Shirkadda iyo Bangiga, iyagoo laga dalbaday in loo daabaco dhaqdhaqaaqa EVC-da iyo Accountiyo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Accountiyo ku leh Salaama Bank..

Wararka ayaa sheegaya in laba Xarumood oo midi(Tre-piano) ku leedahay Shirkadda la weeraray isla markaasna la afduubtay tiro (2) Shaqaalaha Shirkadda ee Xafiisyada la weeraray ka howlgalaayay, sidoo kale waxaa albaabada la iskugu dhuftay Xafiiskii Salaama Bank ee Degmada Xamar weyne, iyagoo horey u sii kaxeystay Maamulihii Xarunta.

Qoraalka Shirkadda Hormuud ayaa lagu sheegay in Bilihii ugu dambeeyay ay Hogaanka Hey’adda NISA ay shaqaalaha ku hayeen Cabsi gelin iyo caburin, iyagoo ku cadaadinaayay iney bixiyaan Xogaha Macaamiisha sifo sharci darro ah, waana fal xadgudub ah oo dhan ka sh Shuruucada Dalka u degsan.

Talaabadaan ayaa ku soo beegmeysa xili bilihii ugu dambeeyay ay kooxaha Argagixisada Shababka ay weeraro ku hayeen Dhismayaasha, Gaadiidka iyo Shaqaalaha Shirkadda Hormuud kadib markii dalabyo loo gudbiyay ay ka diideen taasoo sababtay in la burburiyo Xafiisyada iyo Gadiidka, isla markaasna la dilo tiro Shaqaale ah.

301241cookie-checkShirkada Hormuud Foundation Oo Qoraal Cabasho Ka Soo Saartay Hab-Dhaqanka Hey’adda NISA..