Dagaal beeleed Ka Socda Duleedka Gaalkacyo

Politics

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya In degaan hoos taga Magaalada Laguna magacaabo (Taarade), uu ka socdo dagaal beeleed, kaasoo la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan…

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in dirirtaani ay salka ku heyso aano qabiil oo daba joogota dil horay loogu geeystay 4-qofood oo halkaas lagu dilay.

Waxa uuna dagaalka u dhaxeeya sida la sheegay laba beelood oo deegaan ahaan kala degan Puntland iyo Galmudug, laamaha ammaanka ee labadaas Maamul Goboleedna weli war rasmi ah kama aysan soo saarin dagaalka halkaas ka socda.

31530cookie-checkDagaal beeleed Ka Socda Duleedka Gaalkacyo