Dagaal Dad Badan ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Xadka Tana-River & Gaarisa…

Africa News Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanada Xadka ah ee u dhaxeeya Tana-River iyo Degmada Gaarisa ayaa sheegaya in Dagaal dhiig badan ku daatay uu ka dhacay, kaasoo la sheegay in inta uu dagaalkaan ka dhashay Daaqa, Dhulka iyo isku dhaca Dadka dhexdooda ah…

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 18-Qof ay ku dhinteen Dirirtaan u dhaxeysa Beelo halkaasi wada dega, taasoo ay aad uga argagaxeen Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka Degaanadaasi, iyagoo Dadka Dagaalamaaya ay isku adeegsadeen Baangado, Tooreyo & Waramo, waxeyna colaadani salka ku heysaa Muran dhul.

Inkastoo uu Dagaalka uu joogsaday, waxaana la sheegay in Ciidamada Dowlada Kenya ay degaanadaasi gaareen si loo abuuro Nabadgelyada iyo xasiloonida Dadka Rayidka ah, iyadoo loogu baaqay Odayaasha iyo Waxgaradka iney ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa abaabulka Colaada loona xoojin lahaa Nabada ku wada noolaashaha.

346580cookie-checkDagaal Dad Badan ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Xadka Tana-River & Gaarisa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *