Ma Dhabaa in Shaqaalaha Puntland ay ka Cabanayaan Mushaar la’aan

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in qeybo kala duwan ee Shaqaalaha maamul goboleedka Puntland ayaa ka cabanaya in aysan wax mushahar ah qaadan saddexdii bilood ee la soo dhaafay…

Wararka ayaa intaasi raaciyay in qaar ka mid ah Shaqaalaha oo aan rabin in magacyadooda la xigto ay Warsidaha Diinah.com news u sheegay in aysan wax mushahar qaadan saddexda bilood ee September, October iyo November 2022.

Shaqaalaha Puntland ayaa mushaharkii ugu dambeeyay qaatay bishii August, taas oo la siiyay 31 October 2022, Shaqaalaha Puntland waxay qaataan mushahar aad u yar oo marka loo eego xiliga adag ee lagu jiro baahidooda dabooli karin.

Dhanka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino arrintaas weli kama jawaabin cabashada mushahar la’aanta shaqaalaha, Maamulka Deni ayaa sannadihii hore lagu amaanay in aysan ku baaqan wax mushahar iyo xuquuq shaqaale ah inkastoo muddooyinkii dambe cabashadaas soo korortay.

229130cookie-checkMa Dhabaa in Shaqaalaha Puntland ay ka Cabanayaan Mushaar la’aan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com