Dagaal dhinaca Afka ah oo ka dhex Qarxay 2-Wasiir oo ka tirsan Maamulka Farmaajo

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya dagaal afka oo la isku marinaayo Baraha Bulshada, kaasoo u dhaxeeya Wasiirada Ciyaaraha iyo Maareynta Masiibooyinka, Dagaalkaan ayaa salka ku haya khilaaf hoose oo shaqsi ahaan u dhaxeeya 2-da Wasiir Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo…

Wasiirka Ciyaaraha & Dhalinyarada ee Dowladda xil-gaarsiinta Xamza ayaa ka waramaaya waxaa uu kala kulmay xafiiska uu kala wareegay Khadiijo Diiriye, wuxuuna sheegay in muddo ah ay ku qaadatay inuu Xafiiska Wasaarada howl-geliyo, isagoo ku eedeeyay Wasiirkii ka horeeyay inuu Xafiiskiisa uu ahaa Guriga.

“Waxaan la wareegay xilka Wasaraadda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyadoo aan lahayn Xafiis aan subixii u shaqo tago, waxaan ugu tagay iyadoo shaqaalaha Wasaarada sanad iyo bar ilaa laba sano fasax isaga jiray mushaharna qaadanayey iyagoo gurigooda jooga” ayuu yiri Wasiir Xamza.

https://www.facebook.com/100032818116670/posts/505884587182141/?d=n

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa weerar jawaab celis hawada u marisay Wasiirka Dhalinyarada & ciyaaraha Dr Xamza, waxeyna Wasiirada Baraha Bulshada ku soo qortay“ Hanti qaran weligay la iguma eedayn “.

Maxaa kaaga baxay😕

129100cookie-checkDagaal dhinaca Afka ah oo ka dhex Qarxay 2-Wasiir oo ka tirsan Maamulka Farmaajo