Dugsi Quraan Oo Loo Bedelay Xarun Boliis

Somalia news

Baaritan iyo raadraacyo muddo todobadyo ah socday ayaa lagu ogaaday in Maamulka Lafta gareen ee Magaalada Baydhabo uu albaabada iskugu dhuftay Dugsi Quran, kadibna u bedeleen Xero Ciidan oo kuwa Amaanka ah….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Dadka ku nool Xaafada Isha ay cabasha xoogan ka muujiyeen kadib markii Maamulka Konfur galbeed ay amreen in ardayda iyo Macaliminta Quranka iney baneeyan boos/ama Dhul loo isticmaalayay Dugsi Quran 30kii sano u dambeyay.

Xarunta Dugsigaan ee ku yaala xaafada Isha, ayaa la furay markii u dalka burbuuray 1991-kii, iyadoo loogu talagalay in lagu soo xareeyo, laguna baro Quranka kariimka Agoonta iyo caruurta kasoo jeedo qoysaska danyarta, balse wax walba ayaa is badelay todobaadkii nasoo dhaftay markii Ciidamo hubeysan oo ka amar qaadanayo Madaxa Boliiska Magaalada Baydhabo ay gudaha galeen dugsi Quraanka kadibne ay burburiyeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mr.Cali Sacid Fiqi ayaa amray in Xoogaga Amaanka Magaalada Baydhabo ay joojiyan burbuurinta ay ku hayan Dugsiga Quranka hadi kale in tilaabo deg deg laga qaadi doono Saraakisha ku lugta leh burbuurinta Dugsi Quraanka lakiin ayaan darro waxaa la burburiyay Dhismihii Dugsiga.

129140cookie-checkDugsi Quraan Oo Loo Bedelay Xarun Boliis