Jubbaland Oo Digniino Adag Ka Soo Saartay Xiriirka Odayaasha Dhaqanka & Shababka

Somalia news

Golaha Amaanka ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qoraal ay soo saartay uga digtay Odayaasha Dhaqanka iney soo joojiyaan xiriirada ay la yeesheen Horjoogayaasha Kooxda argagixisada Shababka xiligaan Doorashada dadban lagu guda jiro…

Kulan uu shir-gudoominaayay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo ay yeesheen Golaha Amaanka ayaa looga dooday Warbixino welwel xambaarsan kuwaasoo salka ku haya xiriirka qarsoodiga ah Ee ka dhaxeeya Odayaal dhaqmeedyo oo u xil saaran soo xulista Ergada iyo Xildhibaanada.

Qoraalka Golaha Amaanka Jubbaland ayaa lagu sheegay in talaabo adag laga qaadi doono Odayaasha Dhaqanka iyo cid kasta oo ku lug yeelata Kooxaha argagixisada kuna xadgudubta Shuruucda Dalka u degsan, iyadoo la faray Hey’addaha Amaanka iney talaabo ka qaadaan.

129060cookie-checkJubbaland Oo Digniino Adag Ka Soo Saartay Xiriirka Odayaasha Dhaqanka & Shababka