Dagaal Ka Dhacay Ceel-Saliini…

Politics

Faahfashion dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya dagaal Ciidanka dowladda iyo Maleeshiyaadka Kooxda shabaabka oo xalay ku dhexmaray degaanka Ceel-saliini ee duleedka degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dirirtaani ayaa sida la sheegay inuu bilowday kadib markii malayshiyaad ka tirsan Kooxda shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhiga Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin degaanka Ceel-saliini.

Dadka degaanka ayaa ku soo waramaya in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas ay is-dhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab inkastoo aan xog sugan laga helin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Ceel-saliini ayaa laga soo xigtay in ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka Maleeshiyaadka Kooxda shabaab isla markaana xaalada degaanka ay degan tahay.

Al-shabaab ayaa dhowaan weerar qorsheysan ku qaaday saldhigaasi kuna dilay in ka badan 40 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda islamarkaana hub fara badan ka furtay kadib weerar ay ku qaadeen Ceel Saliini.

20860cookie-checkDagaal Ka Dhacay Ceel-Saliini…