Dagaal Ka Qarxay B/Xaawo..

Politics

War DegDeg:- Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada B/Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal uu ka qarxay Magaalada, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay dhinacyadaan isku haya isku horfadhiyeen…

Xogtaan ayaa Diinah.Com u sheegtay in Ciidamadaan oo daacad u kala ah Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Maamulka Fadhiidka ee Farmaajo, iyadoo la sheegay iney isku adeegsanayaan Hubka noocyadiisa kala duwan, ilaa hadda lama yaqaano cid bilaawday weerarka.

Xalay ayeey Maleeshiyaadka Kooxda Farmaajo waxey bililiqo ka geysteen guri uu ku lahaa Wasiirka Amniga Jubbaland Magaalada Doolow, iyadoo argagax geliyay xaaska iyo caruurta Wasiirka.

19900cookie-checkDagaal Ka Qarxay B/Xaawo..