Doorashada Turkiga: Haddii Isbedel dhaco Saameyn ma ku yeelan doonaa Xiriirka Somalia..

Africa News World

Maalinta Axadda ee 28-ka bisha May 2023, waxaa Turkiga laga qabanayaa wareeggii labaad ee doorashada Madaxweynennimo. Waxaa ka qeybgelaya dad gaaraya 60 milyan oo codbixiyaal ah, iyadoo Tartamayaasha Doorashada ay ku guda jiraan Ololahooda doorashada si ay u soo jiitaan Cod-bixiyayaasha..

Doorashadaan Waxaa ku loollamaya Madaxweynaha haatan xilka haya ee Recep Tayyip Erdogan iyo Hogaamiyaha Isbaheysiga Mucaaradka Turkiga Kemal Kilicdaroglu, Qodobada lagu loollamayo ee saameynaya go’aanka codbixeyayaasha waxaa ugu waaweyn Dhaqaalaha, Qaxootiga Suuriya iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda.

Erdogan waxa uu 20 sano soo hoggaamiyay Turkiga—markii hore Ra’iisul wasaare ahaan kadibna Madaxweynenimo. Tan iyo markaas, waxaa sii kordhay xiriirka dalkiisu la leeyahay Dalalka Afrika. Erdogan waxa uu Afrika ka arkay fursado dhaqaale, ciidan iyo diblomaasiyadeed, Xiriirka u dhexeeya Ankara iyo Qaaradda Afrika waxa ay u badan tahay in uu sii xoogaysan doono haddii Madaxweyne Erdogan muddo shan sano oo dheeri ah xilka loo doorto.

Maxay uga dhigan tahay Somalia?

Somalia waxay kamid tahay Dalalka Afrika ee Turkigu xariirka wanaagsan la leeyahay, wuxuuna soo tixnaa Tan iyo markii Erdogan booqday Muqdisho Agoosto 2011, waxaa kordhay xariirka labada dhinac, Hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu wuxuu ballanqaaday inuu la dagaallamayo qaxootiga, taasoo kor u qaadday naceybka soogalootiga saameynna ku yeelatay Soomaalida Turkiga degan. Isbedelka Kilicdaroglu waxaa ka dhalan kara in iqaamada loo diido Soomaalida Turkiga deggan ee ganacsatada, ardada iyo qoysaska iskugu jira.

257850cookie-checkDoorashada Turkiga: Haddii Isbedel dhaco Saameyn ma ku yeelan doonaa Xiriirka Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com