Shirkadda Hubaal Oo Macaamiisheeda…

Business

Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya in shirkada Hubaal FOREX ay macaamiisheeda u sheegtay in bishan Maarso aysan macaamiisheeda siin karin faa’idada lacagaha ay dhigteen ee bishii dhamaatay February…


Shirkadda Hubaal oo Xaruntooda dhexe ay ku dhex taal Hotel Jasiira, isla markaasna lagu xanto iney Howlaha Shirkadda iyo Xafiiska Wasiirka1-aad ay isku dhex milmeen bacdamaa Saamileyda ugu badan ay ka soo jeedaan Ganacsato war aano last ah Mr.Kheyre.

Wararka aan la xaqiijin ayaa Diinah.com u sheegay in Keydkii Lacagta iyo dhaqaalaha Shirkadda lagu maalgeliyay dagaalada Dhuusa mareeb iyo Kan Magaalada B/Xaawo ka socda.

Qaar kamid ah macaamiisha shirkadan oo saaka ay ku beegneyd xiliga balantooda ee ay eheyd iney faa’idada soo qaataan ayaa tagay xarunta Hubaal ee degmada Hodan, iyadoo loo sheegay ineysan bishan wax lacaga ah loo heyn.

” Waxaan u tagnay maamulaha ugu sareeya ee shirkada Maxamed Ismaaciil, wuxuuna si cad noo yiri bishan 16-keeda imaada ama bisha danbe, xiligaasaa suura gal ah inaad heshaan lacagihiina faa’idada ah, inta ka horeysanna cid aan Albaabka ku arki karaa majirto” ayuu yiri qof kamid ah dadka maanta shirkada tagay.

Arintan ayaa welwel hor leh ku beertay dadkii hantidooda ku aaminay shirkadan Hubaal, kuwaasoo wadnaha farta ku haya, waxeyna ka cabsi qabaan in Hubaal lamid noqotl shirkadii 252 ee hantideeda lala goostay.

19930cookie-checkShirkadda Hubaal Oo Macaamiisheeda…