Dagaal Mindhicireed ka Socda Degaanada ka Tirsan Galguduud Oo Dad Badan Lagu Dilay & Sababta…

Somalia news

Warbixin wel wel xambaarsan ayaa muujineysa in Dadkii ugu badnaa lagu dilay Colaad Beeleed ka socda degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, iyadoo Maleeshiyaad hubeysan ku dagaal mindhicireed ku dhex maraya Beelaha (Dir & Mareexaan) degaan ahaan ka soo kala jeeda Xeraale iyo Caabudwaaq…

Colaadaan oo lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee dhowaanahan dhaca degaanka ayaa wararkii u dambeeyay sheegayaan in lagu dilay Dad kor u dhaafaya 70-Qof, halka Dhaawacyadu ay ka badan yihiin 90 kale, iyadoo Dadka dhintay ay ka mid yihiin ciidamo ku howlanaa inay Kala dhex galaan labada beelood, wuxuuna salka ku hayaa Dhul la isku heysto lahaanshihiisa.

Wararka ayaa sheegaya in degaanada Dirirtu ka socdaan lagu kala magacaabo Laandheer iyo Qalanqale, waxaana dhaawacyadii ugu badnaa la geeyay isbitaallada Cadaado, Caabudwaaq iyo degaano kale, ficil la’aanta iyo awood yarida Ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa Federaalka ayaa laga dareemay degaanadaasi si ay u kala dhex galaan Maleeshiyaadka Beelahaan, iyadoo baaqyo Nabadeed oo dhinacyadaan loo diray dhegaha laga fureystay.

Dib aanu u milicsano dhibaatooyinkii ee Dagaalada Beelaha ee xasuuqa ba’an geystay kaasoo soo tixnaa laga soo bilaabo 1991, waana ka horreeyay dhalashadii 2008-dii kooxda Shababka ilaa maantana waa socdaan Tusaale wanaagsan waxaa ah in colaadaha Laascanood ka dhacay 2023 & Galguduud ka jira aysan wax xiriir ah la lahayn AS.

330830cookie-checkDagaal Mindhicireed ka Socda Degaanada ka Tirsan Galguduud Oo Dad Badan Lagu Dilay & Sababta…