Heshiiska Dhuusa mareeb-3 Iyo Faragelinta USA

Somalia news

Iyadoo lagu guda jiro xaalad kala guur ah, ayaa waxaa aad u soo kordhaaya Fara gelinta iyo ku milanka siyaasada gudaha Ee Danjiraha USA Ee Somalia, iyadoo lagu eedeyay inuu caqabad ku yahay Geedi socodka Nidaamka Dowladeed iyo in Maamulada Gobolada ay aragtidooda ku biiriyaan hanaanka Doorsho oo uu dalkaan laga hirgelin karo ee wadar ogol….

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Danjiraha USA uu kula kulmay garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdishu, Mr.Farmaajo iyo qaar ka mid ah Garabkii ku kulmay Magaalada Dhuusa mareeb, kuwaasoo kaga dhawaaqay Heshiis aan loo dhameyn, wuxuuna ku adeeyay inuusan Heshiiskaasi aheyn mid damaanad qaadi kara in Doorasho xaq iyo cadaalad ah Dalka ka dhacdo.

Wararka ayaa sheegaya In Maamulada saxiixay Heshiiska loo balanqaaday iney Taageero kan siyaasada iyo Maaliyada ah uu Mr.Farmaajo u fidin doono, waxaana intaasi sii dheer in Maamulka Galmudug loo balanqaaday laga ka Tasha doono Wasiirka 1-aad Ee cusub iyo tiro mashaariic ah oo aan la cayimin

Danjiraha oo falcelin weyn kala kulmay taageeradii uu u muujiyay Kooxda ku shirtay Magaalada Dhuusa mareeb, ayaa hadda bilaabay inuu ku cadaadiyo sidii loo qabanqaabin lahaa kulan kale oo ay ka soo qeyb galaan Hogaamiyayaasha Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland .

56060cookie-checkHeshiiska Dhuusa mareeb-3 Iyo Faragelinta USA