Rooble Oo Ganacsatada Codsi U Diray

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Kulan Uu Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Xil gaarsiinta uu shalay galab kula yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia Wakiilo ka socda Ganacsatada Magaalada Mogadishu, iyadoo Kulankaasi looga dooday laba kacleynta Cudurka Coronavirus iyo sida looga bixi karo Dhibaatada Oxygen yarida Magaalada ka taagan….

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu ganacsatada ka codsaday, sidii awalba ay u caawin jireen iney qayb xoog leh ka qaataan ka qaybgalka caawinaadda Bukaanada uu soo rito Cudurka COVID-19 iyo sidii dhibaatooyinka taagan ee Oxygen yarida ka jirta, la iskaga kaashan lahaa, arrintaas-na runtii is faham weynaa laga gaaray.” Ayuu yiri Afhayeenka Dowladda Federaalka.

Ganacsatadu Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyeen baaqa Dowladda waxaana ay sheegeen mar walba inay diyaar u yihiin, qayb-na ka qaadanayaan sidii loo caawin lahaa, loona garab istaaggi lahaa Shacbiga Soomaaliyeed oo xiligaan Cudur iyo Abaaro isku biirsaday, Somalia ayaa xiligaan dagaal adag kula jirta wareeg 2aad oo xanuunka COVID-19 ah, wuxuuna xanuunka u muuqdaa mid mararka qaar gilgilaya awoodda Hey’adaha caafimaadka iyo Isbitaalada Dalka, gaar ahaan marka uu qofka u baahdo qalabka lagu neefsado, (Ventilators) xiligaan gabaabis ka ah Caasimadda.

99070cookie-checkRooble Oo Ganacsatada Codsi U Diray