Dagaalada Ethiopia Oo Halis Ku Ah Amaanka Geeska Afrika

Africa News

Dagaalada ka socda Waqooyiga Dalka Ethiopia Oo dhaliyay khasaare balaaran oo isugu jira dhimasho, Xasuuq, Barakicin iyo degaanasho La’aan sameysay Dalalka Deriska, kuwaasoo ka cabsi qaba in dagaaladaasi ay ku soo fidaan dalalkooda isla markaasna abuuraan xasilooni darro & Burbur Dhaqaale..

Warbixinada laga helaayo furumaha dagaalada ayaa sheegaya in dirirtaan u dhaxeysa Ciidamada Ethiopia iyo Kuwa Mucaaradka (TPLF & OLF), Dagaalada si ay khasaare balaaran dhaliyeen isla-markaana dhibaatooyinka Colaadaa ka dhalata uu saameyn amniga ku yeelan karaan Mandaqadda Geeska Afrika Sida Djibouti, Sudan, Kenya Somalia iyo South Sudan.

Dhanka kale,  Dalka Ethiopia, Oo ay ku nool yihiin in ka badan 100-millions Oo Qof Oo u kala qeybsama ilaa 80 Qowmiyadood, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal sokeeye horseedi karaan barakac Qaxooti ku noqon kara masiibo Dalalka Geeska Africa iyo Guud ahaan Caalamka, taasoo sii hurin karta xiisad ka dhalatay xarig jiidka Xukunka.

Cabsida Dagaalada Ethiopia ayaa la sheegay iney ka faa’iideysan karaan Kooxaha argagixisada Ee dagaalada ka wada Dalalka Somalia, Sudan, Kenya iyo kuwo kale, isla markaasna ay gacanta ku dhigaan Hubka iyo saanada ay Ciidamada Ethiopia heystaan hadiiba uu burbur ku yimaado, ku darsoo Dagaalada waxaa qeyb ka ah Dalalka Reer Galbeedka Oo si toos ah ula safan Kooxda Mucaaradka halka Maamulka Abiy uu taageero ka helo Dowladaha China, Russia, Turkey iyo UAE.

151820cookie-checkDagaalada Ethiopia Oo Halis Ku Ah Amaanka Geeska Afrika