Tuhunka Qaraxyada Oo La La Xiriirinaayo Farmaajo & Fahad

Somalia news

Kadib qaraxii xalay lagu weeraray Mas’uuliyiin ka tirsan Warbaahinta Dowladda isla markaasna dhaliyay Dhimashada Agaasimihii Radio Mogadishu iyo Dhaawac Agaasimihii TV-ga Qaranka, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in tuhunka Qaraxyada & Is-miidaaminta la la xiririnaayo Farmaajo & Fahad…

Khubarada ku xeel dheer Amniga iyo xasiloonida Dalka ayaa farta ku goday in inta badan qaraxyada ka dhaca Magaalada Mogadishu ay soo wada diyaariyaan Koox ka tirsan NISA iyo kuwa Argagixisada Shababka, iyadoo lagu bartilmaameedsado xubnaha Mucaaradka ku ah Farmaajo iyo Fahad.

Waxaana la sheegay in Qorshaha Dilalka ujeedada ka dambeysa ay tahay sidii dareenka Dadweynaha looga leexin lahaa in Boob lagu sameeyo Xulashada Xildhibaanada iyo wax ka bedelka Sharci darrada ah Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, iyadoo xogaha qaarkood ay sheegayaan in Dowladda Qatar oo maamusha Siyaasada Dibeda iyo Sirdoonka Somalia ay Dacwado ka gudbiyeen Wasiirkii la bedelay.

Bilihii ugu dambeeyay Shacbiga Magaalada Mogadishu waxey marqaati ka ahaayeen jariimooyin iyo Shirqoolo ay Wada maleegeen Farmaajaha Fashilmay iyo Fahad, loona geystay Waxgarad, Aqooyahanno iyo Haldoorka Soomaaliyeed, iyadoo maalmaha soo socdana Howlgalada qorsheysan ay ka sii dari doonaan inta lagu jiro xiliga kala guurka ah.

151850cookie-checkTuhunka Qaraxyada Oo La La Xiriirinaayo Farmaajo & Fahad