Dagaalada oo Sababay in Barakacayaasha Aduunka ay Tiradoodu Kororto Gaartana 75,9 Millions oo Qof…

World

Warbixin ay soo saareen Xarunta Dabgalka Barakacayaasha Gudaha ayeey welwel ka muujiyeen in Dagaalo Dalal badan oo Aduunka ka socda ay sababeen iney kordhaan tirada Barakacayaasha Gudaha Dalalkooda Qaxooyiga ku ah haba ugu darnaadeene Dagaalada ka socdaan Dalalka Falastin & Sudan…

Warbixinta Xaruntaan ayaa dul istaagtay in Barkacayaasha ay tiradoodu kor u dhaafeen 75,9 Millions Oo Qof, kana dhigan in Barakacayaasha gudaha ay kordheen 50% shantii sano ee u dambeysay, iyadoo dhamaadkii sanadkii 2922-dii ay tiradaasi aheyd 71,1 Millions oo Qof, Barakacyaashani ayaa dantu ku qasabtay iney Guryahooda ka qaxaan sababo la xiriira Colaado iyo Rabshado.

Waxaana la sheegay Dalka Sudan Dadkiisu tiradoodu aheyd 46,652,885 lagu qasbay iney ka qaxaan dagaalada Sokeeye ee u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga RSF, Ciidamada Israel ay ku qasbeen Shacbiga ku nool magaalada Gaza oo tiradoodu lagu qiyaasay 2-millions oo Qof iney Gudaha Dhulka Falaatiin u qaxaan kadib markii Ciidamada Yuhuuda ay Duqeyn xoogan iyo xasuuq ka geysteen tan iyo sanadkii hore.

327350cookie-checkDagaalada oo Sababay in Barakacayaasha Aduunka ay Tiradoodu Kororto Gaartana 75,9 Millions oo Qof…