Shil Gaari Oo Sababay Dhimashada Xildhibaal ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil Gaari oo khasaaraha ka dhashay kaasoo xalay ka dhacay degaanka Xaaji Kheyr ee magaalada Dangoroyo, isla markaasna sababay dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Puntland…

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud (Cali Tabliiq) oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Puntland  ayaa ku geeroyooday iyadoo Sidoo kale shilkaasi waxaa ku dhaawacmay Xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Dr Ciise Jaamac Maxamed.

Madaxweynaha Puntland Deni Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cali Tabliiq, waxeyna Caafimaad u rajeeyeen Xildhibaan Cabdukqaadir iyo Dr.Ciise Jaamac, Shilalka gaari ayaa ku badan deegaanada Puntland, kuwaas oo sababa khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana loo sababeeya xawliga gaadiidka.

327380cookie-checkShil Gaari Oo Sababay Dhimashada Xildhibaal ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com