Dagaalka Boosaaso Oo Dib uga Qarxay

Somalia news

Dhawaqa Rasaasta noocyadiisa kala duwan ayaa xalay si weyn looga Guud ahaan maqlay magaalada Boosaaso, oo uu dib uga bilowday dagaal culus oo u dhexeeyay ciidammada Puntland iyo ciidammo taabacsan Agaasimihii Hay’adda PSF Puntland Mr.Diyaano…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Hoobiyayaal ayaa ku dhaceen xaafado ay degan yihiin Dadka Rayidka ah, kuwaasoo sababay khasaare dhimasho, iyo dhawaac ah, iyo burbur hantiyeed, iyadoo waan waantii la waday uu gaabis ku yimid.

Dagaalka ka soconaya Boosaaso ayaa kusoo aadaya xilli labada dhinac ay shalay aqbaleen xabad-joojin ka dhaqangasha Boosaaso, iyo wada-hadal iyo nabad lagu dhameeyo xiisada taagan, taasoo ay wadeen Odayaasha Dhaqanka dhaqanka, Dagaalkii dhacay gelinkii hore ee saaka ayaa sababay khasaare balaaran, iyadoo ay ku dhinteen ilaa 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 40 kale.

157410cookie-checkDagaalka Boosaaso Oo Dib uga Qarxay